Obama: Faransiiska waan garabtaaganahay

Obama Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa cambaareeyay weerardii halista ahaa ee ka dhacay magaalada Paris, kuwaas oo ay dad badani ku dhinteen.

Obama waxa uu sheegay in argagixisadu ay ku kaceen wax laga xishoodo oo ay isku dayayaan in ay argagaxgaliyaan dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Obama waxa uu madaxda caalamka ku booriyay in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada.

Obama oo ka hadlaya shirka ka socda dalka Turkiga ee ay leeyihiin dalalka ugu horumarsan dunida ee loo yaqaano G20 waxa uu sheegay in kooxda Dawladda Islaamka ay halis ku tahay Iran iyo Ruushkaba.