Madaxwaynaha Yemen oo Cadan ku laabtay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwaynaha Yemen oo Cadan ka dagaya

Madaxwaynaha dalka Yemen Cabdulrabah Mansuur Hadi ayaa dib ugu laabtay magaalada koonfurta ku taala ee Cadan, si uu u hago weerar lagu qaado goobaha ay jabhadduhu haystaan ee Taiz.

Ma cadda wakhtiga uu Madaxwaynuhu doonayo in uu sii joogo dalka.

Booqashadiisii u horaysay waxa uu Cadan tagay bishii sagaalaad isaga oo lix bilood kahor markaas isaga cararay kaddib markii ay ku soo ruqaansadeen dagaalyahanada Xuutiyiinta ah.

5,600 oo qof ayaa ku dhintay dagaalada socda sideeda bilood.

Xulafo Carbeed oo ay Sacuudiga hogaaminayaan ayaa bishii saddexaad weeraro xaga cirka bilaabay si ay dib ugu riixaan Xuutiyiinta ayna dib cagaha ugu istaajiyaan dawladda