Ciyaaryahan caan ku ah Rugby oo dhintay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption New Zealand ayaa marar badan qaaday koobka Rugby

Mid ka mid ah ragga ugu caansan ee ciyaaraha Rugby-ga ee u dhashay dalka Newzealand, John Lomu ayaa dhnitay.

Ninkan oo 40 sano jir ahaa ayaa dhintay kaddib markii uu ka laabtay ciyaar uu kaga qeybgalay dalka Britain oo ka mid ahayd tartamada koobka caalamka ee Rugby-ga.

Lomu ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahanada ugu wanaagsan dunida ee xilli kastaa sida wanaagsan u ciyaara.

Waxaa la sheegayaa inuu u dhintay xanaan uga dhacay kellida oo waqtiyar un haayay.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand John Key, waxa uu hogaaminayaa tacsida loo sameynaayo Lomu, waxa uuna tilmaamay in ay la murugoonayaan dhammaan dalka iyo qoyskiisa sigaar ah.