Khilaafka quwadaha waaweyn ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in weerarada Paris ay ka caawinaayan wadammada reer galbeedka in ay fahmaan in ahmiyadda ugu weyn ee Suuriya ay tahay la dagaallanka kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka, balse aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweyne Bashaar-Al-Assad

Mr Lavrov ayaa ka digay in dagaalka Suuriya aan si nabad ah xal looga gaari karin iyada oo uusan ku jirin madaxweyne Assad

Mar uu ka hadlayay shirka wadammada Aasiya iyo Paci-ga ee APEC, oo ka socda magaalada Manila, ee dalka Filibiin, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in dagaalka sokeeye ee Suuriya uusan dhamaaneynin inta uu xilka hayo madaxweyne Assad

Waxa uu intaa ku daray iyada oo dagaalka uu sii socdo, in aysan jirin raja ah in laga takhaluso kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.