Faransiiska oo ka doodaya kordhinta muddada xaaladda degdegga

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Boliiska Faransiiska ayaa weli ku jira xaalad foojignaan

Baarlamaanka Faransiiska ayaa ku guda jira qiimeyn uu ku sameynayo kordhinta muddada xaaladda degdegga.

Waxaa la filayaa in saddex bilood oo dheeri ah lagu daro muddada xaaladda degdegga

Faransiiska ayaa ka jawaabaya weerarkii ka dhacey Paris Jimcihii lasoo dhaafey, kaas oo ay ku dhinteen 132 ruux.

Arrimaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah badalidda sharciyada qaarkood, sida in la soo rogo ciqaabta xabsi guriga.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ururka la baxay dowladda Islaamiga ayaa sheegtay weerarka Paris

Waxaa sidoo kale la filayaa in boliiska la siiyo awood ay guryaha baaritaano uga sameyn karaan iyagoo aan warqad ka wadan maxkamad.

Booliiska Faransiiska ayaa weli ku dadaalaya cadeynta ugu yaraan laba qof oo laga shakisan oo ku dhimatay weerar ay maalin ka hor ku qaadeen mid ka mid ah xaafadaha Paris.

Waxay weli ku raad joogaan Cabdilxamiid Cabuud, kaas oo looga shakisan yahay maskaxda soo abaabushay weerarkii Jimcaha.