Nin u dhashay libya oo lagu xiray Britain

Booliska Britain ayaa xiray nin u dhashay dalka Libya, oo 50-sano jir ah kaas oo looga shakiyay in uu ka dambeeyay shirqool lagu dilay haweeney boolis ah, oo lagu dilay bannaanka safaaradda Libya ee London sanadkii 1984-tii.

Yvonne Fletcher, ayaa dhimatay kaddib markii uu toogtay qof rasaas ka soo furay gudaha safaaradda iyada oo markaa hor taagnayd dibadbax looga soo horjeeday hoggaamiyihii hore ee Colonel Gadaffi.

Madaxa booliska magaalada London oo ah madaxa la dgaallanka argagixisada Taliye Richard Walton, ayaa sheegay in xiritaanka ninkan ay tahay tallaabo muhiim ah, oo aanay ciidanku ka raja dhigin in la helo qofkii dilka geystay.