Ninkii soo abaabulay weerarkii Paris oo la dilay

Lahaanshaha sawirka Dabiq

Baarayaasha Faransiiska ayaa aqoonsaday ninkii soo maleegay weerarkii Paris.

Baarayaasha ayaa aaminsan inuu yahay qofkii ka dambeeyey weerarkii Paris ruux asalkiisu yahay Moroccan Belgian ah.

Abdelhamid Abaaoud, ayaa ku barbaaray Molenbeek, degmo ku taalla Brussels oo ay u badan yihiin Carab muhaajiriin ah, taas oo ay uga sii dartay shaqo la’aanta iyo guryaha buux dhaafka ah.

27 sano jirkan, ayaa lala xiriiriyey Salah Abdeslam, kaasoo dhuumaaleysi ku jira, walaalkiina uu isku qarxiyey Paris.

Brahim ayaa ku dhintay Comptoir Voltaire bar, isagoon dilin dad kale, halka lix kaloo jihaadayaal ah ay ku qaadeen weerar lagu riiqmay goob kale.

Abaaoud ayaa lagu xiray Belgium-ka 2010-kii, dhac hubeysan dartiis, waxaana lala xiray xilligaas Abdeslam.

Abaaoud oo loo yaqaan Abu Umar al-Baljiki, ayaa ku biiray kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka horraantii 2013-kii.