Ammaanka New York oo la sugayo

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa u xaqiijiyey dadka deggan magaaladaasi inuu ku dadaalayo suggidda amnigooda kadib markii uu soo baxay Video xambaarsan hanjabaad, oo ka yimid kooxda ISIS.

De Blasio ayaa dadka ku boorriyey iney shaqooyinkooda sidii caadiga aheyd u tagaan, ha yeeshee wuxuu ka dalbaday bulshada iney ahaadaan kuwo feejigan.

Madaxa booliiska, Bill Bratton, ayaa sheegay inaan video-ga la soo gudbiyey aynan ka muuqan wax cusub, isagoo ku gacan seyray waxa ku jira video-ga.

Wuxuu intaa ku daray madaxa booliiska in dadka reer New York aaney ku noolaan baqdin joogta ah.