Assad:Dalkeyga kuma barbaaraan aragagaxiso

Lahaanshaha sawirka SANA

Madaxweynaha Suuriya, Bashaar al-Assad, ayaa iska fogeeyey in dalkiisu yahay ubucda ay ka soo burqadaan dagaalyahanada isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Isagoo la hadlayey television laga leeyahay Talyaaniga, ayuu Mr Assad carabka ku adkeeyey Jihaad doonka lagu tababaray gudaha Suuriya, si ay weerarka uga qaadaan, ay taasi kaalmo ku bixiyeen (dalal ay ka mid yihiin Turkey, Saudi Arabia iyo Qatar).

Wuxuu intaa ku daray in aaney jiri doonin isbedal lagu sameeyo waqtiga loo qabtay doorashada, iyadoo ay qeybo ka tirsan dalkiisa ay haystaan wax uu ugu yeeray argagaxiso.

(Arbacadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa ku boorriyey dalalka Reer Galbeedka iney dhinac iska dhigaan dalabkooda ay ku xirayaan shuruudda tagista Bashaar al-Assad, si Ruushku uu ugu biiro ciidammada la dagaallamaya kooxda is ku magacawday dowladda Islaamka.