Turkiga oo furiinka ku soo badanayo

Magaalo ku taal xuduudda dalka Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayaa waxaa sare u kacay furiinka oo gaaray boqolkiiba labaatan sanadkii la soo dhaafay.

Qareennada magaalada Sanliurfa, ayaa sheegaya in waxa ugu weyn ee furiinka sababaya ay tahay in ragga deggan magaaladaasi ay guursanayaan haweenka Suuriyaanka ah ee qaxootiga halkaa ku ah.

Iyadoo ay sharci darro ay ka tahay Turkiga, in ninka uu guursado xaas labaad ayaa haddana waxaa sii socda in ragga qaarkood ee Carabta iyo Kurdiyiinta ah ee halkaa ku nool ay guursadaan xaasas badan.

Weriyaha BBCee halkaa ku sugan ayaa sheegaya in waloow caqabad dhanka dhaqanka ah ay jirto oo hor istaagayso furiinka, haddana haween badan ayaa diyaar u ah in ay maxkamadda tagaan si ay isaga furaan raggooda, sababtuna ay tahay in raggu ay guursanayaan xaas labaad.