Xutiyiinta oo sii daayay ajaaniib ay haysteen

Sedex qof oo u dhashay Maraykanka oo ay falaagada Shiicada ee Xutiyiinta ee dalka Yemen, ay haysteen ugu yaraan laba bilood, ayaa la sii daayay.

Labadan qof ayaa la sheegayaa in ay u shaqeynayeen Qaramada Midoobay.

Wakaaladda wararka ee dalka Cumaan ayaa sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ay hadda joogaan caasimada dalkaasi ee Masqad.

Bishii Sebtemper, falaagada Xutiyiinta ayaa sii daayay lix shaqaale oo ajaaniib ah oo ay haysteen, waxaana ka mid ahaa labadan muwaadin ee u dhashay Maraykanka, kadib wadahadal ay dhexdhexaadiyeen saraakiisha Cumaan.

Xabsigelinta iyo afduubka ayaa weli ah khatar ay haysato ajaaniibta dhowrka ah ee weli ku sugan Yemen, halkaa oo ay dagaalo sokeeye ka taaganaayeen dhowr bilood.