Qulqulka qaxootiga oo "sabab u ah" weeraradii Paris

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaxootiga ugu badan ee Yurub sanadkan gaaray waxa ay u dhasheen dalka Suuriya

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls, ayaa waxa uu sheegay in dadka lala xiriirinaayo kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee weerarar Paris isbuucii la soo dhaafay ay suuragal tahay inay ka faa’ideysteen qalalaasaha qaxootiga ee Yurub.

Wereysi uu siiyay TV Fadhigiisu yahay Faransiiska ayaa, Mr Valls waxa uu hoosta ka xariiqay in dadkaasi ay Faransiiska galeen ayadoo aan laga warqabin.

Faransiiska ayaa golaha amniga ee Qaramada Midoobeey u gudbiyay qaraar qabyo ah oo ay ku dalbanayaan in si caalami ah loola dagaallamo kooxda Daacish kaddib weeraradii Paris ee sababay geerida 129 qof.

Waa qeyb kamid ah istiraatiijiyadda madaxweyne Hollande in si guud looga taageero jawaabta la siinayo kooxdaasi.

Hadaba arrintaasi aawadeed, aqalka wakiilladda ee Mareykanka ayaa waxa ay meel mariyeen sharci ah in la joojiyo qorshaha madaxweyne Obama ee ah qaabilidda 10 kun oo qaxooti Suuriyaan iyo Ciraaqi kala ahsanadka soo socda.

Blake Farentholt oo ka mid ah Congress ka ee xisbiga Jamhuuriga, waxa uu ka mid yahay taageerayaasha sharcigan.

Aqalka cad ayaa waxa uu ku hanjabaayaa in go’aan adag ay adeegsan doonaan si qaxootigaasi dalkaasi ay u gaaraan.

Laakiin xeerkan ayaa waxaa taageeray inta badan aqalka, waxaana u codeeeyay xubno ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu sheegayaa in dalka uu halis gelinayo qiimaha aasaasiga ah haddii sidaasi loola dhaqmo qaxootiga.

Mr Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in dadka AMerikan ka ah looga baahan yahay inay aaminaan hanaanka hadda shaqeynaaya.