Weerar lagu qaaday hoteel ku yaal Mali

Dablay ayaa weerartay Hoteel caalmi ah oo ku yaal caasimadda Bamako ee dalka Mali, waxaana lagu soo warramayaa in ay afduubteen 140-qof oo hoteelka degganaa iyo 30-qof oo ka shaqeynayay.

Rasaasta hubka culus ayaa laga maqlayey hoteelka gudihiisa. Warbixin uu soo saaray maamulka hotelka ayaa waxay ku sheegeen in laba dablay ah ay hoteelka ku haystaan 170 qof.

Wararka ugu dambeeyay ee hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in laba qof la soo daayay.

Ciidammada ammaanka ayaa siku gadaamay hoteelka, warar ka qaar ayaa sheegaya in ciidammada Faransiiska ay halkaasi ku sugan yihiin.

Dhibaato dhinaca ammaanka ah ayaa ka taagnayd Mali labadii sano ee la soo dhaafay kaddib markii kooxo Islaami ah ay xoog kula wareegeen waqooyiga dalka, waxayna isku dayeen in ay la wareegaan dalka oo dhan. Waxaa ka hor yimid oo joojiyey faragelin ciidammada Faransiiska.