Halkan kala soco wararka weerarka huteelka Mali

Lahaanshaha sawirka Moussa Kondo
Image caption Ciidamada nabad ilaalinta QM ayaa ka qaynqaadanaya howlgalka huteelka

Dablay ayaa weerartay Huteel caalami ah oo ku yaalla caasimadda Bamako ee dalka Mali, waxaana lagu soo warramayaa in ay afduubteen 140-qof oo hoteelka degganaa iyo 30-qof oo ka shaqeynayay. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.

18:10 SGA: Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in kooxda jihaad-doonka ee al-Murabituun ay sheegatay masuuliyadda weearka huteelka Radisson Blu.

Lahaanshaha sawirka Moussa Kondo

18.00 SGA: Maamulka huteelka ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad badan ay ka baxsadeen huteelka.

17:15 SGA Seddax ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in la dilay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption mid kamid ah dadka la soo furtay

16:41 SGA: Dadka huteelka lagu haysto waxaa ka mid ah 12 ka tirsan shaqaalaha hutelka

16:37 SGA: ciidamo gaar ah oo Maraykanka ka socdo ayaa gacan siinaya kuwa Mali ee la dagaalamaya dablayda gashay huteelka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Faransiiska ayaa ka hor istaagay kooxaha islaamiyiinta oo doonayay in ay dalka al wareegaaan laba sano ka hor.

16: 32 SGA: 80 qof oo ku jirtay huteelka ayaa soo baxsatay, balse kuwa haysto dhalashada Hindiya, France iyo Shiinaha ayaa wali la haystaa.

16:30 SGA: Ciidamada Mali ay xoog ku galay huteelka oo 100 qof ka badan lagu haysto.

Image caption Ciidama gaar oo ku sugan afaafka hore ee huteelka Radisson Blu,

16:25: Huteelka Radisson Blu, ayaa shaaciyay tilifoon qaraabada dadka ku jiray huteelka ay soo wici karaan.

16:22 SGA: Telefishinka Shiinaha ayaa ku waramay in afar qof oo u dhashay dalkaasi ay ka soo baxsadeen huteelka.

16:07 SGA: Illaa iyo hadda waxaan ognahay

  • Weeararka waxa uu billawday subaxnimadii, iaydoor ag hubaysan ay xoog ku galeen huteelka.
  • Tirada dablayda ma cadda, wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay ahaayeen 13
  • 140 qof oo huteelka daganaa ay afduub ku haystaan
  • 30 qof ayaa laga soo badbaadiyay oo ay ku jiraan dad haysto dhalashada dalalka Farnsiiska, Turkiga, Shiinaha iyo Hidniya.
Lahaanshaha sawirka AP

03:53 SGA: Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay in cutub ka tirsan ciidamada gaarka ee la dagaalanka argagixisada ay ka tageen Paris oo ay ku sii wajahanyihiin caasimada Mali ee Bamako halkaasoo dablay ay galeen huteel caalami ah oo magaaladaasi ku yaalla.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar kamid ah dadka ka baxsaday huteelka
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saraakiisha ammaanka Mali oo gaaray Huteelka

Saraakiil reer Mali ah waxay xaqiijiyeen in dableydii ay hadda uga dhammaatay haysashadii hotel-ka.

Meydka 27 qof ayaa laga helay hotel-ka Radisson Blu.

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, waxaa uu tacsi u diray ehelada dadka wax ku noqday hotel-ka magaalada Bamako.

Koox xiriir la leh al-Qaacida ayaa sheegatay inay ka dambaysay weerarka.

Wararka soo dhacaya waxay sheegayaan in weli hotel-ka ay ka socdaan hawlo lagu soo afjarayo dableyda halkaas ku jirta laakiin aysan jirin cid ay hotel-ka ku haystaan.