Nin looga shakiyay weeraradii Paris oo la xiray

Lahaanshaha sawirka AP

MadaxdaTurkiga, ayaa sheegay in ay xireen nin jinsiyadiisu tahay Belgium oo looga shakiyay inuu xiriir la lahaa weerarada Paris.

Ahmed Dahmani, oo asalkiisu yahay Marookaan, ayaa lagu xiray hotel raaxo oo ku yaal magaalada xeebta ee Antalya.

Sarkaal Turki ah, ayaa BBC-da u sheegay in 26 jirka la xiray, la rumeysan yahay in uu la xiriiray kuwa weerarka Paris soo qaaday. Wuxuu sheegay in Dahmani uu toddobaad ka hor ka yimid Amsterdam, uuna isu diyaarinayay inuu u gudbo Suuriya, iyadoo ay wehliyaan labo kale oo xagjirnimo looga shakiyay. Waxaana la sheegay in la xiray.

Dalalka galbeedka, ayaa Turkiga ku eedeeyay inuusan wax ku filan ka qaban joojinta jihaad doonka ku qulqulaya Suuriya.