Shabaabka oo lagu weeraray Wallaweyn

Weerar cirka ah, ayaa lagu qaaday xalay saqdii dhexe xarun shabaabku ku leeyahay tuulada Baladul-amiin oo ka tirsan degmada Wallaweyn.

Guddoomiyaha degmada Wallaweyn, Xaaji Isaaq Maame Caliyow, ayaa BBC-da u sheegay in weerarkaasi lagu dilay sideed ka tirsan Alshabaab, tiro kalena lagu dhaawacy. Hase yeeshee, ilo madaxbanaan, ayaa BBC-da u sheegay in weerarkaasi lagu dilay afar ka mid ah Shabaab.

Ka hor weerarka, ayaa waxaa aggaasi laga maqlayay guuxa diyaaradaha helikobtarka, iyadoo ay duqeyntana geysteen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Lamana oga cidda weerarka geysatay.

Dhinaca kale, maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo. Afar qof, ayaa ku dhimatay, 7 waa ku dhaawacmeen. Dagaalka, ayaa ka bilwoday waddo laami ah oo Puntland ka dhiseysay Gaalkacyo oo la sheegay in ay ku dhawaatay maamulka Galmudug. Ilaa iyo hadda labada maamul kama hadal dagaalka la sheegay.