US oo xayiraad saartay madax Burundi ah

Image caption Qalalaasaha Burundi ayaa waxaa ku dhintay dad badan

Mareykanka ayaa sheegay inuu xayiraado ku soo rogayo 4 ka mid ah saraakiil hore iyo kuwa hadda shaqeeya oo ka tirsan xukuumadda Burundi, kuwaasoo lala xiriirinayo qalalaasaha waddankaas ka soconaya.

Afartaas qof oo wajihi doona in hantidooda la xannibo, fiisooyinna aan la siin waxay kala yihiin wasiirka amniga dadweynaha, agaasime ku xigeenka booliska, madaxii hore ee sirdoonka iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in Burundi ay xaalad khatar ah ku sugan tahay, ayadoo ay jiraan warar sheegaya in dilal qorsheysan, xarig iyo jirdil ay ku kacayaan laamaha ammaanka.

Mareykanka ayaa sheegay in qalalaasaha uu bilowday kaddib markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza shaaciyay inuu mar saddexaad xilka u tartamayo.

Tani ayaa muujineysa in maamulka madaxweyne Nkurunziza uu luminayo xiriirka uu caalamka kale la leeyahay.

Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka ayaa weli ka qoomameynaya sidii ay uga hortagi waayeen xasuuqii Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-tii, mana doonayaan in midaasi oo kale ay hadda dhacdo.