Faransiiska oo sare u qaadaya weerarrada Daacish

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hollande iyo David Cameron ayaa ka wada hadlay weerarrada Daacish

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in dalkiisa uu xoojinayo weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda isugu yeertay Khilaafada Islaamka.

Arrintan ayaa daba socoto weeraradii ka dhacay Paris ee 129-ka qof ay ku dhinteen.

Hollande ayaa arrintan ka hadlay kaddib wadahadala uu la yeeshay Ra'iisalwasaaraha Britain, David Cameron.

Mr Cameron ayaa sheegay in uu taageeray go'aanka Mr Hollande ee ah in la weeraro kooxda dowladda islaamka ee Suuriya ka dagaalama.

Cameron ayaa intaa ku daray in Britain laftirkeedu tahay in sidaas sameyso.

Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan amniga, oo ay ka mid yihiin in sare loo qaado is weydaarisiga macluumaadka.