Mareykanka oo dadkiisa uga digay safarrada dibedda

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay safarrada dibedda kaddib weerarkii Paris

Mareykanka ayaa digniin caalami ah u diray muwaadhiniintiisa safra.

Waxaa uu arrintaasi sabab uga dhigay sare u kac ku yimid halista argagixisada.

Mas'uul ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay jirto xog sheegeysa in ururrada Daacish, Al-Qaacida iyo Boko Xaraam ay qorsheynayaan weerarro ay ka fuliyaan dhowr gobol.

Mareykanka ayaa sheegay in digniintan ay taagnaan doonto ilaa 24-ta bisha February 2016-ka.

Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in aanay jirin sabab si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo muwaadhiniinta dalkaasi.

Digniintan ayaa soo baxday iyadoo dalka Belgium uu weli ku jira xaalad deg deg ah oo laga cabsi qabo weerarro la mid ah kuwii ka dhacay Paris