"Dad lagu qafaashay" waqooyiga France

Wararka laga helayo magaalada Roubaix ee ku taalla waqooyiga Faransiiska, gaar ahaan xadka Belguim, ayaa sheegaya in halkaasi dad lagu qafaashay.

Warbaahinta Belgium-ka ayaa sheegaysa in afduubka uu dhacay kaddib markii ay booliska joojiyeen gaari yar.

Kooxaha caafimaadka ee deegaankaasi ayaa sheegay in dhowr qof ay halkaasi ku dhaawacmeen.