Labada Kuuriya oo wadahadal yeelanaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xiisadda u dhexeysa labada Kuuriya ayaa dhawaan sare u kacday.

Saraakiil ka kala socota Kuuriyada koofureed iyo tan waqooyi ayaa isu diyaarinaya inay yeeshaan kulan heerkiisu yahay mid hawleed oo loogu diyaar garoobayo wadahadallo heerkoodu sarreeyo oo dhex mara labada xukuumadood.

Wadahadalladan ayaan laga fileyn inay kasoo baxdo natiijo ballaaran. Balse waxaa muhiim ah in ay dhacayaan, kaddib markii dhawaan uu xoogeystay khilaafka ka dhexeeya labada dal.

Arrimaha laga wadahadli doono ayaa waxaa u badan sidii kulamada loo sii wadi lahaa, isla markaana loo gaarsiin lahaa kuwo ay ka qeyb qaataan mas’uuliyiin sarsare.

Waxaa muuqata in Kuuriyada Waqooyi ay dooneyso furfurnaan dheeri ah, gaar ahaan si ay u hesho dalxiisayaal u keena lacagta adag.

Xukuumadda Pyongyang ayaa waxaa suuragal ah inay ka fekereyso in ay yeelato qaabka dhaqaalaha furfuran ee Shiinaha oo kale, balse ay adkeyso siyaasadeeda.

Wadahadallada ay la leedahay Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale muujinaya in Pyongyang ay dooneyso sahminta qaabka lagu wanaajin karo xiriirka ka dhexeeya.