Duuliyaha labaad ee Ruushka oo la helay

Lahaanshaha sawirka ANAD OLU
Image caption Ruushka ayaa ka carooday soo rididda diyaaradaasi

Mid ka mid ah duuliyayaashii diyaaradii shalay Turkiga uu soo riday oo la la’aa ayaa hadda lagu warramayaa in ay badbaadiyeen ciidamada Suuriya.

Safiirka xukuumadda Moscow ee dalka faransiiska Alexander Orlov, iyo ilo ku dhow dowladda Suuriya waxa ay sheegayaan in duuliyaha ay qaadeen xoogagga dowladda Suuriya.

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in duuliyahaasi la geeyay xarunta ciidamada cirka ee Ruushka uu ku leeyahay Suuriya ee lagu magacaabo Lattakia.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka waxa ay sheegeysaa in duuliyaha labaad iyo askeri kaloo howlgalka badbaadinta ka qeybgalaayay la dilay.

Saraakiisha difaaca ee Ruushka dhankooda waxa ay ku doodayaan in duuliyaha Turkiga uusan marna isku deyin inuu la xiriiro duuliyayaasha Ruushka ka hor inta uusan diyaaradda soo ridin.

Turkigana waxa uu ku andacoonayaa inuu si joogto ah loogu digay ka hor inta diyaaradaasi aan lagu dhufan gantaalka.

Ruushka waxa uu ku dhawaaqay in dhammaan dalxiisayaashii aadi lahaa Turkiga ee dalkaasi u dhashay inay joojiyaan safaradooda, taas oo uu uga jawaabaayo dhacdadan.

Turkiga ayaa dhaqaale aad u badan ka hela dalxiisayaasha Ruushka, malaayiin qof oo Ruush ah ayaana sanadkastaa tago magaalooyiinka waaweyn ee dalkaasi.