Sanadkan 2015 oo noqonaya kii ugu kululaa

Image caption UN waxa ay dooneysaa in la yareeyo wasaqeynta hawada ee warshadaha ay sababta u yihiin

Laanta saadaasha hawada ee Qaramada midoobeey waxa ay shegeysaa in sanadkan 2015ka ay u badan tahay inay noqoto xilliguu ugu kullulaa caalamka.

Arrintaas ayey u sababaynaayaan gaaska hawada wasaqeeyo oo sii badanaaya iyo isbedelka cimilada ee sababaya in daadadka El Nino ay dhacaan.

Waxa ay laantan saadaasha hawada sheegeysaa in mudadii u dhexeysa 211 illaa 2015 ay ahayd shanti sano ugu kululeyd abide e la diiwaan geliyo.

Khubarada waxa ay sheegayaan in ceceliska heer kulka caalamka ay u badan tahay in hal darajo uu kor uga kaco sidii markii hore uu ahaan jiray.

Warbixintan waxaa loo daabacay si hogaamiyayaasha caalamka eek u kulmaya Paris isbuuca soo socdaa loogu wargeliyo isbedelka cimilada dunida.