AU oo ka shiraya guurka gabdhaha yar yar

Midowga Afrika ayaa ku rajaweyn in uu helo qaab lagu soo afjaro guurka carruurta ee qaaradda, waxaa arrintaasi looga hadlay shir laba maalmood ka soconaya caasimadda Zambia ee Lusaka.

Midowga Afrika ayaa doonaya in la meelmariyo ugu yaraan da'da 18 in lagu guursado.

Hay'adda, UNICEF, ayaa sheegeysa inta badan in saddex meelood laba ka mid ah gabdhaha qaaradda la guursado inta aysan gaarin da'daasi. Waxa ay ka digeen in tirada gabdhaha yaraanta lagu guursado ay sare u kacayso, haddii aanan laga hortagin.

UNICEF ayaa sheegaysa in qoysaska ugu saboolsan ee Afrika ay doorbidaan in gabdhahooda la guursado halkii ay wax bari lahaayeen oo ah sida gabdhuhu ku heli lahaayeen mustaqbal wanaagsan.