POP:Magaca Allah, ma aha in naceyb loo adeegsado

Baadari weyne Pop Francis, oo booqashadiisii ugu horeysay ku jooga dalka Kenya, ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha diimaha ee dalkaasi in wadahadal u dhaxeeya dadka haysta diimaha kala duwan ay tahay caqaabad balse ay lagama maarmaan ay tahay.

Isaga oo ula jeeda weeraradii mintiidiinta Islaamiga ah ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate iyo jaamacada Gaarisa, ayuu sheegay in aysan aheyn in magaca Allah loo isticmaalo naceyb iyo rabshado.

Gelinka dambe ee maanta, ayaa kummanaan dad ah oo haysta diinta masiixiga waxa ay isugu soo baxeen goob furan oo weyn oo ku taal jaamacadda Nairobi.

Qudbadiisa ayaa baadari weynaha waxa uu kaga hadlay muhiimadda qiimaha qoyska, difaacida xuquuqda haweenka iyo caruurta aan weli dhallan.