Xus Faransiiska lagu qabtay

Lahaanshaha sawirka AFP

France ayaa waxaa lagu qabatay munaasabad rasmi ah maanta oo loo barooranayo boqol iyo soddonkii qof ee lagu dilay weerarada ka dhacay magaaladda Paris laba todobaad ka hor.

Musaasabaddan xuska ah ayaa waxay ka dhaceyday daarta madxafka militariga ee bartamaha magaaladda Paris, halkaas oo ku aasan yahay Napoleon.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa khudbad ka jeediyay munaasabada oo ay ka soo qeyb galayaan ilaa iyo kun qof oo ay ku jiraan dadkii ka bedbaaday weerarka iyo qoysaska dadkii weeraradaa lagu dilay.

Hal daqiiqo ayaa la aamusay, waxaana munaasabadda laga akhrinayay liiska magacyada dadkii weeraradaa ku dhintay.

Madaxweynaha ayaa ka dalbay muwaadiniyiinta Faransiiska in ay munaasabadda uga qeyb qaataan in ay guryahooda suraan midabada calanka Faransiiska ee ah Buluug, cadaad iyo gaduud.