Xal u raadinta xiisadda Gaalkacyo

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdirashid Cali Sharkmake iyo qaarka mid ah golahiisa wasiirada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ka ambabaxay maanta magaalada Muqdisho oo aaday gobolka Mudug.

Ra'iisal wasaaraha iyo xubnaha wehlinaya ayaa kusii jeeda magaalada Cadado, iyaga oo uga sii gudbaya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe si xal loogu helo xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Galkacyo.

BBC-da ayaa waxaa la soo xiriiray Nabadoon Cabdikariim Shiikh Axmed Xassan oo ka mid ah nabadoonada dhinaca Galmudug oo uga qaybgalaya wadahadalada lagu dajinayo xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay Nabadoon Cabdikariin isagoo jooga magaalada Gaalkacyo, waxuuna dadaaladda waawaanta ee socoda iyo dhex dhexaadinta labada dhinac.