Dad lagu qabtay Jarmalka

Lahaanshaha sawirka AFP GETTY IMAGES

Booliska Jarmalka ayaa waxa ay xireen labo nin oo looga shakisan yahay inay qorshaynayeen weeraro inay gaystaan.

Labada qof ayaa lagu soo qabtay howgal laga fuliyay qaybo ka mid ah magaaladda Berlin. Howgalkan ayaa lagu baacsanayay kooxo islaamiyiin ah.

Sidoo kale waxaa baaritaan lagu sameeyey xarun dhaqanka islaamka oo iyadana la baaray.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel aya amaalintii arbacada ahayd sheegtay inay jirto qatar amni ka dib weerarkiia Paris ka dhacay ka dib.

Magaalooyin badan oo Yurub ku yaala ayaa heegan la geliyay wixii ka dambeeyey weeraradii ka dhacay caasimada dalka Faransiiska ee Paris