Falastiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed

Lahaanshaha sawirka epa

Seddax dhalinyaro Falastiiniyiin ah ayaa askarta Isra'iil ay ku toogteen dhulka la haysta ee daanta galbeed.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay iskudhacyada u dhaxeeya falastiiyiinta iyo ciidanka Isra'iil. Sidoo kale 19 yuhuud ah ayaa lagu dilay rabshadahan

sida ay sheegtay wasaaradda caafimaaddka ee Falastiin dhalinyarada la dilay waxaa ku jira 21 lagu dilay xaafad u dhow Ramallah.

Ciidanka Israa'il waxay sheegeen inay baarayeen maleeshiyaad iyo hub. Ka dib dadkii deegaanka ay ku soo tuureen ciidanka banbaanooyinka batroolka ka samaysan.

Ninka kale ee Falastiiniga ah ayaa lagu dilay meel jidgooyo ah oo u dhow Nablus. Ninkan ayaa mindi la soo aaday ciidanka Israa'il

sidoo kale waxaa jira nin sadaxaad oo isna lagu dilay meel u dhow xero qaxooti oo Hebron u dhow