Putin: Faransiiska ayaan la shaqayn doonaa

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ruushka ayaa aqbalay in uu si dhaw ula sahqeeyo Faransiiska si ay isaga kaashaadaan la dagaalanka kooxda islaamiga ee Daacish ee gudaha dalka Suuriya.

Madaxweynaha dalka Ruushka,Vladimir Putin, ayaa shaaca ka qaaday arrintaasi kadib markii uu wadahadalo la yeeshay madaxweyne Francois Hollande.

Mr Putin waxa uu sheegay in uu kala shaqyn doono Paris iyo isbahaysiga uu Maraykanka hogaaminaya sidii loo wadaagi lahaa maclumaad dhinaca milatariga ah, loogana baaqsan lahaa in la bartilmaaedsado kooxaha Daacish la dagaalaaaya ee ku sugan Suuriya.