3 lagu dilay toogasho ka dhacday Colorado

Lahaanshaha sawirka Kody FisherFOX21 via AP

Baliiska magaalada Colorado ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in seddax qof lagu dilay toogasho ka dhacday xarun caafimad oo dhalmada lagu xadido.

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay xaruntan, waxa ayna rasaastaasi socotay muddo saacado ah ka hor inta aan la qabanin ninkaasi.

Duqa mgaalada Corolada ayaa sheegay in laba qof rayid ah iyo saragaal ka tirsan boolsika ay ku dhinteen toogashadaasi.

Ma caddo sababta loo bartilmaameedsaday xaruntaasi. Balse marar badan aya waxaa ka dhacay xarunteeda mudaharaadyo looga soo horjeedo ilma-iska soo ridida.