Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Dagaal ayaa dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaas oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Sida muuqata waxa guuldareystay waan waan la doonayay in lagu soo afjaro khilaafka ka taagan Gaalkacyo kaas oo ay wadeen odayaasha deegaanka iyo sidoo kale dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa faahfaahinaya.