Xabaal wadareed laga helay Ciraaq

Saraakiil ku sugan waqooyiga Ciraaq, ayaa sheegaya in ay heleen xabaal-wadareed miineysan oo lagu wado in ay ku jiraan haraaga dad ka badan boqol qof oo ay dileen mintidiinta kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka.

Tani ayaa ah xabaal wadareedii lixaad ee laga helay gudaha ama hareeraha magaalada Sinjaar oo kooxdaasi dib looga qabsaday.

Kooxda jihaad-doonka ah ayaa dilay xubno ka tirsan dadka laga badan yahay ee Yasiidi-ga la yiraahdo iyagoo qaarna adoonsaday ,haweenkiina kufsaday markii ay sanadkii hore Sinjar qabsadeen.

Kooxdan isugu yeertay khilaafada Islaamka ayaa u arka in Yasidi-ga oo afka Kurdiga ku hadla ay rumeysan yihiin khuraafaad.