Rag loogu xiray Kenya Fal argagaxiso

Lahaanshaha sawirka

Booliska Kenya ayaa xiray laba nin oo lagu tuhmayo in ay qorsheynayeen weerraro ay ka dambeeyaan sirdoonka Iran.

Raggan ayaa la sheegayaa in ay qirteen in ay bartilmaameedsanayeen hoteelada caanka ku ah dadka reer galbeedka ah.

Dalka Kenya waxaa dhibaatooyin ka soo gaaray weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, laakiin ma jiraan wax xiriir ah oo ka dhaxeeya raggan la xiray iyo kooxdaasi.

Booliska ayaa sheegay in raggan ay ku daba jireen in muddo ah, ayna ogaadeen in xiriir ay la leeyihiin ilaalada kacaanka Iran.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay in Abubakar Sadiq Louw iyo Yaaasiin Sambai Juma ay yihiin dadka la tuhmayo.

Waxa la sheegay in ay qorsheynayeen weerarada hoteelada caanka ah ee ku yaal caasimadda Nairobi.

Louw, oo ah 69-jir ayaa ah masuul sare oo ka tirsan jaaliyadda Shiicada ee ku nool dalkaasi, waxaana lagu eedeeyay in uu u qorayay dhalinyarada Kenyanka ah basaasnimo iyo weeraro qorsheysan.

Booliska ayaa sheegay in uu qoray Juma oo 25-jir ah, oo la xiray markii uu ka soo laabtay Iran.

Juma ayaa sheegay in halkaa uu u tagay in uu soo barto diinta Islaamka, laakiin masuuliyiinta Kenya ayaa u maleynaya in ahmiyadda ugu weyn ee safarkiisu uu ahaa in uu soo qaato tababaro Milatari.

Sanadkii 2013-kii maxkamad ku taal Kenya, ayaa ku xukuntay laba nin oo Iran u dhashay xabsi daa’in, waxaana la sheegay in ay maleegayeen qaraxya ka dhaca dalkaasi.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir nin u dhashay Britain, oo la yiraahdo Malik Yaasiin, waxa ayna sheegeen in uu u dagaalamo kooxda Al-Shabaab.

Yaasiin ayaa la sheegay in dalka uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay.