Macedonia oo iska celinaysa tahriibayaasha

Ciidamada dalka Macedonia ayaa gidaar ka dhisaya xadka ay dalka Giriiga kala leeyihiin dhinaca koofurta si loo joojiyo dadka faraha badan ee tahriibka ah ee Macedonia ka soo galaya Giriiga.

Nin dawladda u hadlay ayaa beeniyey in darbiga ujeedada loo dhisayo ay tahay in xadka la xiro, balse waxa uu sheegay in ay uga gol leeyihiin in dadka tahriibka ah meelo rasmi ah ay ka soo galaan dalkaasi Macedonia.