Pope-ka oo xus diineed kala qeybgalay dadka Uganda

Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxa u sareeya kaniisadda kotoliga Pop Farancis oo safar ku maraya Africa, ayaa dad fara badan kala qayb galay xus diineed lagu qabtay macdab ku yaal bannaanka caasimadda Uganda ee Kampala.

Boqolaal kun qof ayaa isugu tagay xuskii ka dhacay goobtii lagu xasuuqay daba-yaaqadii qarnigii 19aad dad kirishtaan ah.

Intii xusku socday ayaa baadari weynaha wuxuu ku booriyey shacabka Uganda ee maanta in ay ku daydaan dadkii shahiiday oo ay daryeelaan waayeelka,saboolka iyo inta la dayacay.