Erdogan:oo ka hadlay diyaaradii dagaalka ee Ruushka

Lahaanshaha sawirka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa cadeeyey sida uu uga xun yahay diyaaradii dagaalka ee Ruushka lahaa ee turkigu ku soo riday, meel u dhow xadka Suuriya.

Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday inuu raali-galin bixiyo.

Wuxuu ka sheegay kulan meel fagaare ah ka dhacay inuu jeclaan lahaa in aysan dhicin wixii dhacay iyo dib dambe in aysan u dhicin.

Ruushka ayaa qorsheyneya xayiraado dhaqaale oo ka dhan ah Turkiga in ay qaado,waxayna hore u xayirtay safaradii dadka dalxiiska ku tagayay Turkiga.