Kabore, oo noqday madaxwaynaha Burkina Faso

Lahaanshaha sawirka

Roch Marc Christian Kabore, ayaa ku guulaystay doorashadii madaxwaynaha ee ka dhacday dalka Burkina Faso, sida ay shaaciyeen gudiga doorashadu.

Gudigu waxay sheegeen in Kabore, oo horay Rai’sal wasaare u soo noqday in uu helay 53.5% codadkii la dhiibtay axadii.

Gudigu waxay intaas ku dareen in Kabore, oo 58, jir ah uu helay codadkii looga baahnaa isla markaasna aan loo baahnayn in la qabto wareeg labaad.

Waxay ahayd doorashadii u horaysay tan iyo sanadkii hore markii uu dhacay kacdoonkii caanka ahaa ee xilka lagaga tuuray madaxwayne Blaise Compaore.

Doorashada waxaa la qaban lahaa bishii hore waxaase dib u dhigay afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii sagaalaad kaas oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah madaxda ilaalada madaxtooyada.

Madaxwaynihii hore Compaore, oo 64, jir ah waxa uu hadda ku nool yahay dalka ay dariska yihiin ee Ivory Coast.