Somaliland oo ka hadashay dagaalka gaalkacyo

Xukuumada Somaliland ayaa maanta ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo inay joojiyaan dagaalka.

Wasiirka Arimaha dibedda Somaliland Dr Sacad Cali shire oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaarada ee Hargeysa isagoo ku sii jeeday dalka Kenya ayaa wuxuu u soo jeediyay maamullada Soomaaliya ee ku dagaallamaya magaalada Gaalkacayo inay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafkooda oo ka fogaadaan xabbada iyo baro-kicinta dadweynaha .

Dr sacad wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland tahay in dalalka mandiqadda geeska Afrika, ay ku noolaadaan nabad, wixii is afgaran-waa ahna loo adeegsado in miiska wada hadalka lagu xalliyo .