Pope-ka oo gaaray dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Lahaanshaha sawirka R

Madaxa kaniisadda kotoliga Pope francis ayaa maanta ka degay caasimadda Bangui ee dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Dalkan ayaa ah kii ugu dambeeyay uu Pop Francis ku marayo Africa.

Wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay inuu u geeyo farriin nabadeed, dalkaasi oo sanado ay ka aloosan tahay collaad iyo dagaalo u dhexeeya Kirishtaanka iyo Musliminta.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Pope francis uu ku tago dal collaadi ka jirto.

Waxaa aad loo adkeeyey ammaankiisa inta uu safarka ku jiro.

Dad weyne fara badan ayaa ku soo dhaweeyay caasimadda Bangui ee dalkaasi.

Caasimadda dalka ee Bangui ayuu kullamo diineed kagala qayb galayo dadweynaha,waxaana la filayaa inuu la kulmo hoggaamiyayaasha Musliminta, waxaana uu booqanayaa Masaajid weyn oo ku yaal caasimadda.

Madaxda Musliminta iyo Kirishtaanka ee dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, waxay sheegen in joogitaankiisu ay wax ka tarayso meel marinta wada hadalo iyo sidii loo dhimi lahaa qulqulatooyin ka hor doorashada bisha dambe ka dhici doonta dalkaasi.