Meydka duuliyihii Ruushka oo la helay

Turkigu wuxuu sheegay in ay heleen maydka duuliyihii Ruushka ee dhintay markii diyaaradisii lagu soo riday meel u dhow xadka Suuriya.

Waxaa hadda la diyaarinayaa sidii Ruushka loogu wareejin lahaa meydka duuliyaha.

Waxaa toogtay oo dilay fallaagada reer Suuriya kadib markii uu ka booday diyaaradiisii oo Turkiga gantaal ku dhuftay.

Duuliyihii kale ee diyaarada saarnaa ayaa la badbaadiyay, arrintan ayaa xiisad xoog leh ka abuurtay Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera dhinacyada isku haya Suuriya.

Maalintii Jimacaha aheyd ayaa Ruushka waxuu ku dhawaaqay xayiraado dhaqaale oo aargoosi ah oo ka dhan ah Turkiga.