Ruushka oo cunaqabatayn ku soo rogay Turkiga

Lahaanshaha sawirka AP

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegay in rajaynayaan in isfahan waaga kala dhaxeeya Ruushka oo sii xumaan doono kadib markii Moscow ay shaaca ka qaaday cunaqabatayn dhinaca dhaqaalaha ah oo ay uga aargoosanayso diyaaradii la soo riday.

Tallaabooyinka uu Ruushku sheegay waxaa kamid ah xayiraad lagu soo rogay ganacsiyada Ruushka in aysan shaqalaysiin muwaadiniinta Turkiga iyo xayiraada waxyaabaha laga soo dhoofiya Turkiga

Ruushku waxa uu dalbaday in Turkiga uu raaligalin bixiyo, taasoo Ankara ay ka cagajiidayso.

Xiisada labada dalk u dhaxaysa ayaa sii xumaatay oo waxa ajira hadalo xanaf leh oo ay isdhaafsanayeen

Sidoo kale arinka ayaa saamayn ku yeelatay wadamada ku lugta leh dagaalka Suuriya ka socda