Blackberry oo Pakistan isaga baxaysa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Blackberry

Shirkadda taleefanada samaysa ee Blackberry ayaa joojinaysa in ay ka hawlgasho dalka Pakistan dhamaadka sanadkan 2015.

Sababtu waxay tahay dawladda Pakistan oo ka codsatay shirkadda in ay la socoto khadka macamiisheeda.

Dawladda Pakistan waxay doonaysaa in ay la socoto fariinkaste iyo E-mail kaste oo laga diro taleefanka, sida ay shirkaddu sheegtay.

War qoraal ah oo ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in suuqyada Pakistan oo dhan ay isaga baxayso muran arrintaas ka dhashay awgeed.