Waanwaan nabadeed oo ka socota Gaalkacayo

Image caption Rai'sal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Magaaladda Gaalkacayo waxaa ka socota waanwaan nabadeed oo heersare ah taas oo uu hor kacayo Raisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xaaladda magaalada ayaa dagan iyada oo ay ku suganyihiin masuuliyiin kale oo qayb ka ah dadaalkaasi nabada oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamad Islaan.

Waxaa la filayaa in ay masuuliyiintaasi ku soo biiraan Madaxwayneyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidammada labada maamul ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacayo iyada oo ay khasaare ka dhasheen.

Wararka magaalada gaalkacayo oo faahfaahsan waxaad ku maqlidoontaan Idaacaddaheenna iyo barteena internetka BBCSOMALI.COM.