Labo ruux lagu helay in ay Falastiini dileen

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxamad Abu Khdair

Labo dhalinyaro ah oo Israa'iiliyiin ah oo 17 jiro ah ayaa lagu helay dambi ah in ay dileen wiil Falastiini ah iyaga oo afduubtay kaddibna ku gubay Qudus 2014.

Dacwadda eedaysanihii saddexaad oo loo haysto in uu isagu soo maleegay dhacdadaasi ayaa dib loo dhigay si baadhitaan loogu sameeyo caafimaadka maskaxdiisa.

Dilka Maxmad Abu Khdair ayaa sii hurisay rabshadaha ka dhextaagnaa Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta taas oo horseeday dagaalkii Qaza.

Waxaa wiilkaasi loo dilay aargoosi saddex Israa'iiliyiin ah.

Maxmad Abu Khdair maydkiisa oo guban ayaa laga helay kayn ku taala galbeedka Qudus 2 bishii todobaad, labo maalmood uun kaddib markii Daanta galbeed laga helay maydadka saddex dhalinyaro ah oo Israa'iiliyiin ah oo ay dileen dagaalyahanada Xamaas.