40 kun oo ka barakacday Gaalkacyo

Somalia map Lahaanshaha sawirka
Image caption Khariiradda Soomaaliya

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 40, 000 qof ay ku barakaceen dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka MUdug.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay (Stephane Dujarric) waxaa uu sheegay in 30 qof ay ku dhinteen dagaallada Gaalkacyo, oo u dhexeeya maamullada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya iyo Puntland, ee woqooyi bari dalkaas. Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in dadka barakacay ay u baahan yihiin daryeel caafimaad, biyo iyo adeegyo faya-dhowr.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan inuu socdo dadaal ay wadaan dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya iyo wax-garadka dhaqanka iyo culimada diinta sidii xaaladda loo dejin lahaa.