An-Nusra oo sii daysay askar Lubnaaniyiin ah

Lahaanshaha sawirka Reuters

Al-Qaacidada Suuriya ayaa sii daysay lix iyo toban askari oo Lubnaaniis ah oo ay afduub u haysteen mudo ku dhaw lix iyo toban bilood, arrintaas oo qayb ka ah heshiis ay maxaabiis ku kala badalanayaan sida ay tabinayaan warbaahinta Lubnaan.

Masuuliyiin ka tirsan wakaaladda warfaafinta ee qaranka ayaa sheegay in kala badalashadu ay ka socoto banaanka magaalada xadka ku taala ee Arsal oo ku taala waqooyi bari.

Goor sii horaysay jabhadda Al-Nusra Front ayaa masuuliyiinta dawladda ku wareejisay maydka mid ka mid ah afar askari oo la dilay isaga oo maxbuus ah.

Siidayntani waxa ay qayb katahay dhexdhexaadin ay samaysay dawladda Qadar, arrintaas oo keeni doonta in dawladda Lubnaana ay sii dayso tiro maxaabiis ah.

Mid ka mid ah maxaabiista ayaa la rumaysanyahay in ay tahay Saja al-Dulaimi, oo ahayd xaaskii hore ee hogaamiyaha kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka Abubakar Baqdaadi.