Britain:Dood ku saabsan la dagaalanka IS

Xubnaha baarlamaanka ee dalka Britain ayaa ka doodaya qorshe dowladda ay ku doonayso in ay ugu biirto xulufada uu horkacayo Maraykanka ee wada dagaalka ka dhanka ah kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka ee Suuriya.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in kooxda IS ay qatar ku tahay ammaanka Britain, ayna dagaalyanahadooda kufsadaan haweenka, dilaan Muslimiinta, dhaqan kooduna uu ku saleysan yahay kummanaan sano wixii jiray.

Lahaanshaha sawirka Getty

Laakiin hoggaamiyaha mucaaradka xisbiga shaqaalaha, Jeremy Corbyn, ayaa sheegay hadii Britain ay qaado weerar, in ay ku dhimanayaan shacab aan waxba galabsan.

Waxa uu sheegay in malaayiin Suuriyaan ah ay doonayaan wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee dalkaa ka taagan, qaxootiga dalkaasina xerya looga sameeyay dalalka Midowga Yurub, waxa kaluu sheegay in dadkaasi ay ku riyoonayaan maalin ay guryahooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale magaalada Berlin ee dalka Germalka, xildhibaanada dalkaasi, ay ka doodaya hindisaha dowladda ay uga qeybqaadanayaan ciidamadooda iyo diyaaradahooda, dagaalka ka dhanka ah kooxda isugu yeertay khilaafada Islaamka.