Dad lagu laayay California Mareykanka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Weli waxa ay ciidamada ugaarsanayaan qaar ka mid ah dableyda weerrka looga shakisan yahay

Booliska California waxa ay sheegayaan inay toogteen nin ay uga shakisan yihiin inuu ka qeybgalay weerarkii San Bernardino.

14 qof ayaa weerarkaasi ku dhimatay 17 kalena way ku dhawacmeen, kaas oo lagu qaaday xarun dadka u adeegta.

Booliska hadda waxa ay raadinayaan gaari loo maleynaayo in qof ama labo ka mid ah dableyda ay ku baxsadeen.

Waxay sidoo kale ciidamada isku gedaameen guri ay uga shakisan yihiin in qof uu ku dhuumanaayo.

Waxyar kaddib markuu weerarka bilowday, Madaxweyne Obama oo la hadlay TV-ga CBS, waxa uu ku celiyay sida loogu bahan yahay sharci adag oo hubka ku saabsan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xarunta weerarka lagu qaaday

Booliska California waxa ay tilmaameen in xarunta la weeraray ay tahay goob loogu adeego dadka naafada ah oo ku taalla bariga magaalada Los Angeles.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Boolis ku hareereysan guri laga shakisan yahay
Lahaanshaha sawirka
Image caption Jidadka deegaanka la weeraray waxaa buuxiyay gawaarida ciidamada
Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption ciidamada waxa ay rasaas is dhaafsadeen nin laga shikiyay oo markii dambe la dilay