Muwaadin British ah oo la xukumay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Muwaadhin British ah oo lagu eedeeyay inuu maleegayay weerarro lagu qaado gobolka xeebta ee dalka Kenya, ayaa maxkamad ku taal Mombasa, waxa ay maanta ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah.

Jermaine Grant ayaa la xiray bishii December ee sanadkii 2011-kii, waxaana loo haystaa inuu sameyn rabay walxaha qarxa, kaddib markii gurigiisa laga helay kiimiko iyo batariyo.

Dacwaddiisa way socotaa, balse waxaa haatan lagu riday xukun hordhac ah, oo waxaa lagu helay dambi ah inuu doonayay inuu si sharci darro ah ku qaato jinsiyadda Kenya.

Horey ayaa loogu waayay dambigan, balse dowladda ayaa racfaan ka qaadatay xukunkii hore.